Subax wanaagsan dhamaan aqristiyaasheena kusoo dhowaada wararkii ugu dambeeyey saakey suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Kooxo waa weeyn oo ka dhisan qaarada Yurub ayaa damacsan inay xidigo wada qaataan halka kuwa kale aan kooxohooda ku qanacsaneeyn.
Kooxda Real Madrid ayaa damacsan inay iska iibiso ciyaaryahankeeda James Rodriguez kaasi oo lala xiriirinayo kooxda Manchestetr United , si ay u helaan David DeGea Do Balon
Weeraryahanka kooxda Real Madrid Alvaro Morata ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan mustaqbalkiisa waxaana la sheegayaa in xidigaan uu ka tegidoono La Liga , sidoo kale uu kooxo kale iska aadidoono maadaama aan boos joogta ah lasiin.AS
Si walba kooxda Atletico Madrid weeraryahankeeda Antonio Griemann ayaa ku biiridoono Manchester United haddii Jose Mourinho uu kooxda usoo saaro Champions League.Sundey Mirror.
Manchester City ayaa aqbalidoonta Jose Hart inuu ku biiro kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United waa haddii ay Manchester United diyaar ka tahay £31m(Sunday Mirror)
Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu soo qaato Virgil van Dijk oo daafaca ka ciyaara waxana uu damacsanyahay in xidigaan uu kooxda kasoo qaato.Sundey Star.
Chelsea ayaa wali dooneysa inay soo qaadato ciyaaryahanka kooxda Monaoc Tiemoue Bakayoko kaasi oo sidoo kale doonayaan Bayern Munich iyo Juventus.Mail On Sundey.
0 comments:
Post a Comment