La taliyaha Antoine Griezmann ayaa sheegay in Manchester United ay u
soo dhawaatay weeraryahanka Atletico Madrid, waxaana uu sheegay inay
haddii ay u soo bixi waayaan Champions League inay seegi doonaan saxiixa
ciyaaryahanka.
Eric Olhats ayaa xaqiijiyay talaabada United,
waxaana uu sheegay inay tartan kala kulmayaan Manchester City, Chelsea
iyo Barcelona oo dhamaantood doonaya weeraryahanka reer France.
Olhats
ayaa sheegay in mustaqbalka Griezmann aan weli go’aan laga gaarin,
waxaana ay Atletico dalban doontaa 100 milyan euro haddii ay kooxi isku
daydo inay ka kaxeysato ciyaaryahanka.
Olhats ayaa u sheegay
idaacada Faransiiska ee RMC: “Ma jiraan 50,000 kooxood oo 100 milyan
miiska soo saari kara, waa wax si dhaqso ah loo ogaan karo. Lacagtaas
waa lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa, ma doonayaan inay si
raqiis ah ku iibiyaan. Waxaana ay taasi xadideysaa tirada kooxaha
doonaya haatan.
“Waxaan maqlay in heshiiska Manchester United la dhamaayey in la
saxiixay, laakiin ma ogin xitaa haddii ay ciyaari doonaan Champions
League. Taasna waa muhim waa qasab inaan sheego.
“Manchester United waa ay u soo dhawaatay ciyaaryahanka si ay isagu sheegaan, si la mid ah sida ay sameeyeen kooxaha kale.
“Waxa
ay u yimaadeen inay ogaadaan waxa uu fekerkeena yahya, waxa uu fekerka
ciyaaryahanka yahay, waxyaabaha suurtogalka ah, lacagta inta gaareyso.
Wax caqligal ah ayay u muuqataa.
“Chelsea, Manchester City,
Barcelona iyo xitaa Real ayaa albaabka soo garaacay si ay u ogaadaan
sida ay xaalada tahay, qof walba waxa uu u imaanayaa inuu arko waxa la
sameyn karo iyo waxa aan la sameyn karin, taasna waa caadi.”
Olhats
ayaa sheegay in PSG aysan dib u soo cusbooneysiinin xiisahoodii
xagaagii hore, waxaana uu meesha ka saaray inuu u wareegayo kooxda
deriska ah ee Real Madrid.
Home »
La liga
» La Taliyaha Antoine Griezmann Oo Kashifay Xiriirkii Ay La Soo Sameysay Man United & Weliba Kooxaha Kale Ee Xiiseynaya Xiddiga Atletico.
0 comments:
Post a Comment