Dhanka kale Pep Guardiola iyo wiilashiisa waxey doonayaan iney dib ugu soo laabtaan booska sadexaad oo ay kala baxday Liverpool kadib guushii kulanka Merseyside.
Arsene Wenger wuxuu raadinayaa guushii sadexaad oo uu ka gaaro Pep Guardiola iyadoo la xasusto in kulankaan uu yahay kii 10-aad ee labada kooxood ay labada macalin tartan weyn kulmaan

WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Manchester City
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Garsoore: Andre Marriner (England)
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Arsenal waxey ciyaari doontaa iyadoo uu ka maqan yahay goolhayahooda koowaad Petr Cec kaas oo dhaawac looga saaray kulankii West Brom ka hor ciyaaraha qaramada waxaana goolka ilaalin doona David Ospina.
Lucas Perez ayaa sidoo kale laga saaray kulankaan iyadoo Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ay kusoo bilaaban karaan inkastoo ay qaramadooda usoo ciyaareen todobaadkii hore, Santi Cazorla ma ciyaari doono xagaagan.
Dhanka kale Kevin de Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa labaduba dhaawacyo yaryar sheeganayay maalmahii lasoo dhaafay balse diyaar ayey u yahiin kulanka inkastoo fursadooda aysan 100% aheyn.
Gabriel Jesus iyo Ilky Gundogan ayaa ah labada xidig ee ka maqan kooxda Pep.
0 comments:
Post a Comment