This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Jose Morinho Oo Ka xanaaqay Hab Ciyaareedkii Xalay Ay Soo Bandhigeen Ciyaartaydiisa Ee Bar Baraha La Galeen Kooxda West Brom

Tababare Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay dhaleeceeyay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa kuwaas oo aan wax bandhig wanaagsan ah soo bandhigin kulankii ay barbaraha la galeen West Bromwich Albion.
Macalinkii hore Chelsea wuxuu ka dhawaajiyay in afar xidig oo ciyaartoydiisa ka mid ah aysan kasoo dhalaalin howshii loo idmaday taasoo keentay in kooxda ay lumiso laba dhibcood.
Si kastaba United barbardhacii 11-aad ee xili ciyareedkaan ayey gashay iyadoo 8-ka mid ah kulamadaas ay ku galeen barbardhaca gurigooda Old Trafford.


 “Ma dhaleeceynayo kooxaha kale” Ayuu yiri Jose Mourinho, “Kooxaha kale waxey halkaan u yimaadaan iney helaan dhibic, waxey u yimaadan difaac iyo iney mararka qaar isku dayan iney guuleystaan. Weyna sameeyeen taas. waxba kama dhihi karo waxa la xariira arintaas”



“Waxa kaliya aan dhihi karo waa inaan isku daynay, waxaan heysanay lix ciyaarto oo uusan caadi aheyn dareenkooda, maskax ahaan iyo joogteyntooda: Valencia, Baillyk Rojo, Young, Carrick iyo Fellaini”
“Waxaan heysanaa afar ciyaartoy oo hal abuureyaal ah kuwaas oo aan u baahneyn iney gool dhaliyaan, balse ma aysan sameyn”
Ugu dambeyntiina Jose Mourinho ayaa si cad u sheegay ineysan ciyaartoydaas aheyn kuwo joogteeyay shaqadooda isla markaana mar soo bax ah.
“Waxey ahaayeen mar soo bax, waqtigaas, mana aysan joogteyn waxaana luminay laba dhibcodo”


Share:

0 comments:

Post a Comment