Manchester City ayaa fursad u heshay iney lasoo saxiixato da’yarka
Juventus iyo qaranka Argentina Paulo Dybala laba sano ka hor, kaliya 30
Malyan ayeyna kula saxiixan kareen inkastoo ay ugu dambeyntii
go’aansadeen iney la saxiixdaan Wilfried Bony.
23-jirka heerka
caalami ayaa burburiyay Barcelona kulanka lugta hore wareega quarter
finalka Champions League markaas oo kooxdiisa Juve ay 3-0 ku dubatay
Balaugrana, balse Manchester City waxey lumisay fursad dahabi ah oo ay
ku heli kareen xidigii hore Palermo 2015.
Wuxuu mar walba saxaafadda la wadaagi jiray in Barcelona iyo Manchester City ay yahiin labada kooxood oo uu ku riyoodo.
Dhawr jeer ayey Manchester City wakiilo u dirtay Dybala oo lagu tilmaami jiray Aguero-ha cusub isagoo Italy yimid 2012.
Agaasimaha
ciyaaraha kooxda Citizens Txiki Begiristain ayaa lagu amray inuu lasoo
saxiixdo Paulo Dybala, balse wuxuu ka doortay Wilfried Bony isagoo
aaminsan inuu leeyahay awood uu kaga baxsado horyaalka Premier League-ga
sidoo kalana City ka caawin kara iney difaacato horyaalka.
Si
kastaba Paulo Dybala wuxuu waqtigaas 30 Malyan oo Pound ugu wareegay
Juventus, balse haatan waxaa lagu qiimeeyaa lacago aan ka yareyn 80
Malyan oo Euro madama uu laba sano oo hormar ah sameeyay.
Ugu
dambeyntiina Txiki Begiristain ayaa ilaa iyo hadda lagu eedeeyaa inuu
sameeyay doorasho qaab daran madama Bony uu haatan amaah ku jiro Stoke
City.
Home »
juventus
,
man city
,
seria A
,
wararka Guud
,
warbixino
» Shaqsigii Ka Dambeeyay & Go’aankii Ay Manchester City Ku Diiday Saxiixa Paulo Dybala Kulana Soo Wareegtay Wilfried Bony.
0 comments:
Post a Comment