This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Kadib Guushii Alaves Iyo Goolkii Nacho – Real Madrid Oo Rikoor 11-Sano Ka Hor Yaalay Barbareysay.

Real Madrid xilli ciyaareedkaan wuxuu u yahay mid wanaagsan madama ay ku naaloonayaan hogaanka horyaalka iyagoo 2-dhibcood ka sareeya Barcelona sidoo kalana kulan baaqi ah ku heysta, guushii ay ka gaareen Alaves waxey ka saaciday iney barbareeyaan rikoor ay qudhooda 11-sano ka hor dhigeen.
Goolkii Nacho Fernandez ayaa ka dhigay Real Madrid iney noqoto kooxda kaliya ee ay 19-xidig oo kala duwan goolal u dhaliyeen xagaagan, waxeyna barbareeyeen kooxdii Valencia ee jirtay 1994/95 iyo kooxdii Real Madrid ee jirtay 1995/96.


21-ka xidig ee safka hore uga diiwaan gashan tababare Zinedine Zidane kaliya waxaan shabaqa gaarin Daniel Carvajal iyo sidoo kale daafaca bidix ee ay dhaawacyada dishoodeen Fabio Conteroa.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 19-gool kulamada horyaalka waana 25% goolasha ay Los Blancos dhalisay xilli ciyaareedkaan, in ka badan 8-ciyaartoy ayaana dhaliyay in ka badan hal gool.
Celta Vigo ayaa ah kooxda kusoo xigta taasoo 16-xidig oo kala duwan goolal ka heshay, Barcelona 14-xidig ayey ka heshay goolal balse Suarez iyo Messi ayaa dhaliyay 58% goolasha Balaugrana.
Share:

0 comments:

Post a Comment