Blues
ayaa weysay Marcos Alonso oo dhaawac uu soo gaaray intii lagu jiray
iskulul-leynta kulankii ay 2-0 guuldaro ah ka heleen Manchester United,
maqnaashahiisa ayaana u muuqda in kooxda aysan aheyn mid miisaaman.
Neville ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha
waaweyn oo dhan ay waayeen ciyaartoy, balse Chelsea ay ku fashilantay
iney is hagaajiso marka ay waayeen daafacooda bidix waana walaaca laga
qabo kooxda Antonio Conte.
Isagoo
fadhiya xarunta Sky Sports ayuu yiri Gary: “Hadii ay lumiyaan Hazard iyo
Costa isla markaana imaatinkodoa uu guuldareysto waxaan dhihi lahaa waa
cadaalad ku filan”
“Waxey lumiyeen Alonso, waa kuwa ugu
dambeyntii muujiya iney lumiyeen daafac bidix, waa daafac bidix oo
hufan, balse maahan Roberto Carlos, waxaan dhihi karnaa in xaqiiqdii ay
kala jabeen”
“La’aantiis waxey sameeyeen isku dheeli tir la’aan, wax shaki ah lama galin karo arinkaas”
0 comments:
Post a Comment