Juventus ayaa soo bandhigtay awood dheeri ah oo dhanka difaaca ah kadib markii ay tartanka ka reebeen Barcelona, waxaana xusid mudan kooxda ka dhisan Turin ay shabaqeeda ka difaacdeen Balaugrana labadii kulan ee quarter finalka.
Wargeysyada Talyaaniga cinwaanka ugu saameynta badnaa wuxuu ahaa midka uu soo daabacay Corriere dello Sport kaas oo u qornaa: “Waad Ka Ooyiseen” xilli ay soo qaateen sawirka Neymar Junior oo oynaya sidoo kalana uu sabarsiinayo saaxiibkiisa qaranka Brazil – Dani Alves.
Lionel Messi ayaa u muuqday midka kaliya ee ku shaqeynayay xeeladda Luis Enrique, wuxuuna ahaa kan ugu dadaalka badan ciyaartoyda Balaugrana inkastoo uu xalay ku sigtay inuu qoorta ka jabo.
Labada wargeys ee kasoo baxa dalka gobolka Catalan [Sport iyo Mundo Deportivo] waxeyna si sharaf leh u sagootiyeen Barcelona.
“Nabad Galyo Adinkoo Sharfan” Ayey Sport iyo Mundo Deportivo kusoo qoreen bogga hore wargeyskooda cadadkii maanta iyagoo kala adeegsaday sawirada Luis Suarez iyo Neymar
Dhanka kale wargeysyada Madrid waa kuwa inta badan ku hawlan iney dhanka kale u rogaan wax walba oo ku dhaca Barcelona, waxeyna farxad ku dareemayaan iney joogaan Atletico iyo Real, sidoo kalana Barcelona la reebay.
AS Iyo Marca oo ah labada wargeys ee kasoo baxa caasimadda ayaa bogga hore kusoo qoray, qajilaad ka dhan ah Barca.
AS ayaa bogiisa hore kusoo qoray: “Lama Filaan” & “Burbur” wuxuuna adeegsaday sawirka Lionel Messi xilli uu si xun dhulka ugu dhacay.
Sidoo kale Marca ayaan u nixin wixii ku dhacay Barcelona waxeyna bogooda hore kusoo qoreen: “Afar Kubad & Tacsi” dabcan waxey kala jeedaan in Barcelona ay u taalo tacsi halka kooxaha Madrid ay ka mid yahiin afarta kubad ee isku aadka Semi Finalkiisa marka la sameynaayo lakala furi doono.
0 comments:
Post a Comment