Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda heerka
sadexaad ee horyaalka La Liga Eldense ay ku dhawaaqeen ineysan ciyaari
doonin kulamada ka haray xili ciyaareedka kadib guuldaradii xasuuqa
aheyd ee ay kala kulmeen da’yarta Barcelona.
Kooxdaan Eldense
waxaa la aas-aasay sanadkii 1921 waxeyna ka dhisan tahay bariga Spain,
Axaddii ayeyna ku dhawaaqday iney si kumeel gaar ah u joojin
doonaan dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii ciyaaraha iyo heshiiskii ay kula
jireen maalgaliyayaasha reer talyaani maalin kadib xasuuqii ay kala
kulmeen Barceona B.
Muddo nus qarni u dhaw ma dhicin in sidaan la isaga badiyo 1993
ayeyna aheyd markii 12-0 ay Extremadura ku duugtay kooxda Portuense.
Sida
la arkayay muuqaalada iyo sawirada laga qabtay ciayarta, ciyaartoyda
da’da yar ee Barcelona oo sabarsiinaya kuwii ay garaaceen kadib
dhamaadkii ciyaarta.
Kooxda Eldense waxaa uga haray xilli
ciyaareedka lix kulan, mana cada sida ay u xalin doonaan, Barcelona B
ayaa hogaamineysa qeybtaan
Home »
Barcelona
,
La liga
» Kadib Darsan Goolal Ah & Guuldaro Sibir Ah Oo Ay Kala Kulmeen Barcelona B – Eldense Oo Isaga Baxeysa Horyaalka Heerka Sadexaad.
0 comments:
Post a Comment