Sidii aanu idiin soo gudbinay wargayska Germany ka soo baxa Der Spiegel ayaa daabacay warbixin uu shaaca kaga qaaday in Cristiano Ronaldo uu sameeyay kufsi isla markaana uu dhibanahii uu falkan galmada qasabka ah uu u gaystay ay isaga iyo qareenkiisu lacag siiyeen si aanu u hadlin, waxaana sirtan bixiyay Football Leaks oo siraha qarsoon ee kubbada cagta muddo soo bandhigayay. Laakiin shirkada uu Jorge Mendes leeyahay ee Gestifute ayaa war saxaafadeed ka soo saartay eedaymaha xidigaha ree Portugal loo haysto.
Shirkada wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes uu leeyahay ee Gestifute ayaa warkan ku tilmaantay mid been abuur ah waxayna ku balan qaadeen in Cristiano Ronaldo uu si adag uga jawaabi doono eedaynta loo soo jeediyay isla markaana uu wax kasta ka samayn doono.
War saxaafadeedka ka soo baxay shirkada wakiilka Jorge Mendes ee Gestifute ayaa lagu yidhi: ” Maanta wargayska Germany ee Der Spiegel waxa uu daabacay warbixin dheer oo la xidhiidha eedayn kufsi kaas oo lagu soo jeediyay in Cristiano Ronaldo uu gaystay 2009 kii waana sideed sanadood ka hor. Warbixintani ma aha wax jira laakiin waa khiyaali ama been saxaafadeed”.
Qoraalka shirkada wakiilka Jorge Mendes ee Gestifute ayaa la sii raaciyay: “Dhibanaha la eedeeyay waxa uu iska diiday in uu soo baxo oo uu cadeeyo isla markaana uu muujiyo eedaynta. Wargaysku waxa uu warbixintiisa oo dhamaystiran ku saleeyay dokumentis kuwaas oo aan la saxiixin isla markaana aan qaybaha dhinaca ka ahaa la sheegin, waana Emailo u dhexeeyay qareenada kuwaas oo ayna waxa ku qorini khusayn Cristaino Ronaldo, kuwaas oo siidayntooda aanu cadanayn karin iyo warqad la sheegay in isaga uu u soo diray qofka la sheegay in uu yahay dhibanaha balse aanu marnaba Ronaldo helin
Qoraalkan oo looga hadlayo waxa uu Ronaldo samayn doono ayaa lagu yidhi: “Eedaymaha uu ka warbixiyay De Spiegel waa kuwo been ah isla markaana waxa uu Cristiano Ronaldo samayn doonaa wax kasta oo awoodiisa ah si uu waxyaabahan uga falceliyo. Eedaynta fal kufsi ahi waa mid ceeb ah oo cadho leh, mana ogolaan doono isagu in ay sumcadiisa saamayso”
0 comments:
Post a Comment