This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

DEG-DEG: Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika Ahmad Ahmad Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah wariyayaasha ciyaaraha ee fursadda u helay iney ka qeyb galaan soo dhaweynta madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta Qaaradda Africa ee CAF [Ahmad Ahmad] ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.Madaxweyne Ahmad wuxuu talada ka badalay Isse Hayatou oo ku fadhiyay kursiga ugu sareeya CAF tan iyo 1987 wuxuuna ka badalay bishii March ee sanadkaan kadib doorasho ka dhacday dalka Itoobiya.
Safarka Madaxweynaha cusub wuxuu ahaa mid horay u qorsheysnaa, wuxuuna goor dhaw kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International Airport.

Mohamed Shurie Nur oo ka mid ah saxafiyiinta ciyaaraha ee ka hawlgala magaalada ayaa ii sheegay in qorshaha la maleynayo ee madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee CAF uu yahay inuu booqdo garoomada Benaadir Stadium iyo Jaamacadaha oo ah labada garoon ee ay ka dhacaan ciyaaraha ay maamulaan xiriirka kubadda cagta iyo sidoo kale garoonka ay fariisinka ka dhigteen ciidamada AMISOM ee Stadium Muqdisho

Sidoo kale wuxu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre isagoo mid walba kula kulmi doona xafiiskiisa.
Sida wararka qaar sheegayaan Ahmad Ahmad oo ahaa madaxweynahii hore xiriirka kubadda cagta dalka Madagascar ayaa xiriir wacan la leh madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Somaliya Abdiqani Sacid Carab, waana arinta soo dadajisay inuu safarada ugu horeeyay ee waayahiisa madaxtinimo ku yimaado Somalia.
Ugu dambeyntii wararka xanta ah ee ay heleyso Laacib.net waxaa ka mid ah in madaxweynaha uu madaxda siyaasadda ee dalka kala hadli doono sidii ay macquul ku noqon laheyd iney ciidamada AMISOM ka raraan Stadium Muqdisho


Share:

0 comments:

Post a Comment