Xidiga reer Colombia iyo kooxda Real Madrid ee James Rodríguez ayaa halkiisa ka sii wada muranka iyo cadhada uu ka muujinayo xaalada uu kaga sugan yahay garoonka Santiago Bernabeu, gaar ahaan waxay arintaan dib u soo cusboonaatay kadib markii uu tababare Zinedine Zidane uu badal ku sameeyay inta lagu gudi jiray kulankii Leganes.
Wargeyska AS ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Los Blancos ay si weyn ugu cadheesan yihiin hab dhaqanka James Rodríguez uu ku kacay, kadib badalkii lagu sameeyay inta uu socday kulankii Leganes, wuxuuna si cad uu banaanka u keenay cadhada uu qabo xidiga Colombia xili sidoo kale uu aflagaado u geystay tababare Zinedine Zidane.
Maamulka kooxda Los Blancos ayaana lagu soo waramayaa in si rasmi ah ay u go’aansadeen in James Rodríguez ay gabi ahaanba ka diraan garoonka Santiago Bernabeu dhamaadka xili ciyaareedkan, inkastoo ay si weyn kalsooni kaga muujinayaan qaab ciyaareedkiisa, laakiin xaalada uu haatan kaga sugan yahay kooxda Real Madrid ayaa qasab ku noqoneysa inay go’aansadaan inay qaataan go’aanka ku aadan in Rodríguez ay iska fasaxaan dhamaadka xili ciyaareedkan.
Si kastaba James Rodríguez ayaan ku qanacsaneyn inuu Los Blancos ka noqdo dooqa labaad, taasoo ka dhigtay inuu kooxda ka noqdo xidiga Saddexaad ee ugu safashada badan Real Madrid xili ciyaareedka haatan socda, inksatoo xitaa ay jiraan xidiga kala mid ah xaalada uu haatan kaga sugan yahay Santiago Bernabeu.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in go’aanka maamulka kooxda uu yahay mid cad, laakiin tababaraha reer france Zinedine Zidane ayaanan dooneyn inuu waayo adeega xudigan inta ka harsan xili ciyaareedkan, balse xili ciyaareedka xiga ayeey u badan tahay in Rodríguez uu isaga baxo Los Blancos.
0 comments:
Post a Comment