This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Hordhac: Malaga vs Barcelona – Balaugrana Oo Ciyaari Doonta Caawa Iyadoo Ka Warqabta Natiijada Madrid Derby.

Barcelona ayaa booqan doonta Malaga iyadoo ka warqabta inuu taam yahay goolhayaha ay aadka u neceb yahiin ee Kameni kaas oo dhibaato ku noqday MSN iyo Barcelona, Balaugrana caawa waxey u baahan yahiin guul si ay wali u tusaan Madrid iney u tartami karaan hanashada La Liga.
Barca waxey ciyaari doontaa iyadoo ka warqabta natiijada kulanka Madrid Derby, waxaana ay noqon doontaa dhawr nuuc, hadii Madrid laga awood roonaado – Barca ay guul gaarto sidaas ayey hogaanka ku qaban kartaa, iyadoo ay jiri karto in Madrid ay badiso sidoo kalana Barca ay guuldareysato taasoo koobka La Liga usii dhaweyneysa Zidane.

Si kastaba Barcelona waxey dhibaato badan ka qabi doontaa caawa daafaca dambe madama uu maqan yahay Gerard Pique oo ganaaxan si la mid ah Ivan Rakitic
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Malaga vs Barcelona
Tartanka: La Liga
Garoonka: Estadio La Rosaleda
Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)
Garsoore: Jesus Gil (Spain)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Malaga oo marti loo yahay waxey weyn doontaa sadex xidig oo muhiim ah Keko, Kuzmanovic iyo Kone, mana jiro xidig kale oo dhibaato ka qaba.
Dhanka kale Barcelona waxaa kulankaan ka maqan, Turan, Rakitic, Rafinha, Pique iyo Vidal kuwaas oo siyaabo kala duwan kooxda looga reebay.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Málaga ayaa lumisay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada La Liga ku ciyaartay La Rosaleda, waan markii ugu xumeyd tan iyo October 2010 markaas oo 5-jeer la garaacay, Jesualdo Ferreira ayaana xilka tababaranimo hayay.
Malaga ayaa noqotay kooxda afaraad ee dhibcaha ugu badan ka hesha kooxda Barcelona ee Luis Enrique (5-dhibcood), waxaana 9-dhibcodo ka helay Celta Vigo, halka Real Iyo Sociedad ay ka heleen 7-dhibcood.
Malaga 9-kulan oo ay gurigeeda ku ciyaartay hal jeerna shabaqeeda ma difaacan, waligeedna 10-kulan oo La Liga ah hal kulan shabaqeeda ma difaacan weynin.

Lionel Messi ayaa dhaliyay lix gool, lix kulan oo uu ku ciyaaray La Rosaleda kulamada La Liga, waxaana ku jirta sadexley uu dhaliyay 2012.

LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona (4-3-3):
ter Stegen; Roberto, Mathieu, Umtiti, Alba; Busquets, Gomes, Denis; Messi, Suarez, Neymar
Malaga (4-4-2):
Kameni; Rosales, Hernandez, Llorente, Carlos; Castro, Camacho, Fornais, Juanpi; Sandro, Santos

Share:

0 comments:

Post a Comment