-
Kulanka: Middlesbrough v Arsenal
Garoonka: Riverside
Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore Anthony Taylor
Arsène
Wenger ayaa ku fekeri kara inuu dhibaatooyin ku wajahayo Arsenal
laakiin Middlesbrough ayaa xaqiiq ahaan dhibaato ku jirta. Waa koox
kaliya ee horyaalka kubada cagta Ingariiska ee aan wax guul ah gaarin
sannadkan 2017, guushoodii ugu danbeysay ee horyaalka waxa ay ka gaareen
Swansea 17kii bishii December.
Dhanka
kale Wenger ayaa ka warqaba inay kooxdiisa howl adag u tahay inay ku
dhameystaan afarta kooxood ee ugu sareysay horyaalka isagoo qirtay inay
seegi karaan markii ugu horeysay Champions League intii uu macalin ka
ahaa kooxda.
Sideedii kulan ee
ugu danbeysay horyaalka ee ay ciyaartay Arsenal waxa ay badiyeen kaliya
labo kulan oo ka mid ah iyagoo barbaro galay kulan kale, halka shanta
kulan kale laga badiyay taasoo keentay inay u dhacaan kaalinta todobaad
iyagoo leh 54 dhibcood, waxaana ay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda
kaalinta afaraad ee Man City laakiin Gunners labo kulan ayaa u harsan
marka City loo eego.
Arsenal
waxaa Isniintii hore 3-0 ku soo xasuuqday kooxda Crystal Palace, waxaana
ay rajeynayaan in Isniinta caawa ah inaysan la kulmin natiijo taas la
mid ah, waxaana ay ku qasban yihiin inay ku soo laabtaan wadada guusha
si ay u soo nooleeyaan rajada yar ee ay qabaan.
MAXAA KA CUSUB?
Middlesbrough ayaa waxaa niyad-dhis u noqon doona soo laabashada kabtan George Friend oo ka soo kabsaday dhaawac kubka ahGaston Ramirez ayaa sidoo kale diyaar ah ka dib markii canqowga ay jug ka soo gaartay, xiddiga kaliya ee ka maqnaanaya waa Calum Chambers oo aan ka horimaan karin kooxda milkiyadiisa iska leh.
Arsenal ayaa dib u soo dhaweyn doonta kabtan Laurent Koscielny kaasoo labo kulan ku seegay dhaawac.
Goolhaye Petr Cech ayaa isna soo laaban kara ka dib dhaawac kubka ka soo gaaray laakiin Lucas Perez iyo David Ospina ayaa weliba dhaawacyo ku maqan.
Middlesbrough (5-3-2): Valdes, Barragan, Ayala, Espinosa, Gibson, Downing; Clayton, Leadbitter, Forshaw; Negredo, Stuani.
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Monral, Mustafi, Gabriel, Bellerin; Coquelin, Elneny; Sanchez, Ozil, Walcott; Welbeck
MA OGTAHAY?
- Middlesbrough labada badinin afar kulan oo Premier League ah oo ay gurigooda ku soo dhaweeyeen Arsenal. Labo kulan oo ka mid ah ayay badiyeen halka labada kulan kale ay ku dhamaatay barbaro.
- Arsenal ayaa shabaqa soo taabatay 13kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay martida u ahaayeen Middlesbrough.
0 comments:
Post a Comment