Liverpool waxey marti ku tahay Bet365 Stadium oo ay leedahay kooxda Stoke City iyadoo ka war qabta ineysan heysan Sadio Mane sidoo kalana shaki la galinayo Philippe Coutinho kaas oo laga saaray qeybtii dambe kulankii Bournemouth.
Reds dhibaatooyin dhaawac ayey la dhibtooneysaa inkastoo laga doonayo iney difaacato booskeeda hadana wey lumin kartaa booska 3-aad hadii ay dhibaato kala kulanto Stoke, sidoo kalana Citizens ay guul hesho.
Klopp wuxuu doonayaa in ugu yaraan kooxdiisa ay tartanka Champions League kasoo muuqato xagaaga soo, walow iney waayeen Mane ay u tahay dhibaato weyn oo seejin karta tartamada yurub.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Stoke City vs Liverpool
Tartanka: Premier League
Garoonka: Bet365 Stadium
Garsoore: Mike Dean (England)
Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Diouf iyo Muniesta oo xanuuno qabay dhawaanahaan ayaa diyaar u ah iney ka hortagaan ayaa shaki la galinayaa Jack Butland iyo Ireland ayaa seegi doona kulanka.
Dhinaca kale Coutinho oo la badalay kulankii Bournemouth ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro, inkastoo uu kasoo kabtay sida la sheegayo hadana lama hubo inuu ciyaari doono.
Henderson iyo Lallana ayaa dhaawacyo mudo gaaban ah kaga maqan kooxda, halka Sadio Mane uusan xagaagan u ciyaari doonin Reds.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Stoke ayaa guuldareysatay 6-ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Liverpool, balse guusha kaliya waxey timid maalintii ugu dambeysay xili ciyaareedka 2014/2015 markaas oo ay 6-1 ku badiyeen.
Stoke ayaa lumisay kaliya hal jeer, 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kusoo dhaweysay kooxaha kulamada horyaalka, 4-guul iyo 4-barbaro.
Liverpool ayaa badisay kala bar, 16-kulan oo ay la yeelatay kooxaha ku jira 10-ka kaalmood ee hoose xili ciyaareedkaan. 8-guul, 3-barbaro iyo 5-guuldaro.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Stoke City: Grant; Muniesa, Shawcross, Martins Indi; Diouf, Adam, Cameron, Pieters; Allen, Arnautovic; Berahino.
Liverpool: Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Can, Lucas, Wijnaldum; Firmino, Origi, Coutinho.
0 comments:
Post a Comment