
Blues guul ay gaarto waxey inyar kusii dhaweyn kartaa iney u dabaal dagto hanashada horyaalka madama kulamada sii yaraanayaan, Antonio Conte ayaana isha ku haya inuu soo afjaro bood-boodka Palace.
Sam Allardyce iyo wiilashiisa waxey doonayaan iney hakiyaan sidoo kalana ay fursad siiyaan kooxaha kusoo xiga ee Tottenham iyo Manchester City.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Chelsea vs Crystal Palace
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)
Garsoore: Craig Pawson (England)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Eden Hazard ayaa la rajeynayaa inuu kasoo kabto dhaawacii uu qabay, balse Blues waxey heysataa fursad aysan halis ku galin xidiga reer belgium.
Sidoo kale Thibaut Courtois ayaa tababarka kusoo laabtay khamiistii taasoo cadeyneysa inuu taam buuxa u yahay ciyaarta galabta dhici doonta.
Sidoo kalana Diego Costa iyo Victor Moses ayaa shaki la galinayaa inkastoo John Terry uu kusoo laabtay safka kooxda.
Dhinaca kale Crystal Palace dhibaatada ay qabto ma yara waxaana ka maqnaan doona daafacooda bidix Patrick van Aanholt.
Daafacaan reer Holland ayaa dhaawac kaga maqan kooxda, sidoo kalana Fraizer Campbell ayaa isna ka maqan, hana ka reebin James McArthur.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Chelsea afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay wey ka adkaatay Cryssal Palace, kan kaliya ee aysan adkaan waa xagaagii hore markaas oo Stamford Bridge lagu dilay.
Chelsea ayaa ah kooxda ugu badan ee dhibcaha ka heshay kulamada London Derby xagaagan, 15-dhibcood ayeyna heshay, halka Palace ay dhamaan guuldareysatay.
Goolka xiga ee Diego Costa waa midkiisii 50-aad ee horyaalka uu u dhaliyo Chelsea, wuxuuna noqonayaa xidigii 7-aad ee ka tirsan Blues kaas oo darajadaas gaara.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Chelsea:
Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Pedro, Costa, Hazard
Crystal Palace:
Hennessey; Ward, Tomkins, Sakho, Schlupp; Cabaye, Milivojevic, Zaha, Puncheon, Townsend; Benteke
0 comments:
Post a Comment