This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Lionel Messi Oo Labo Gool Kaliya U Jira Rikoor 500 Gool Ah Xilli Ay Barcelona Ay Wajaheyso Juventus & Real Madrid


Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu mar kale isku qoro taariikhda kooxda Barcelona, isagoo noqonaya xiddigii ugu horeeyay ee 500 gool u dhaliya Blaugrana kulamada tartamada rasmiga ah.
Xiddiga Barcelona ayaa haatan u dhaliyay kooxdiisa 498 gool, iyadoo 400 oo ka mid ah uu ku dhaliyay cagtiisa mucjisada ah ee bidix.

Messi ayaa dhalin kara goolashiisii 500aad ee Barcelona isbuuca muhim ah.

Goolkiisii ugu horeysay ee kooxda waxa uu ka dhaliyay kooxda Albacete kulan ka dhacay Camp Nou 1dii bishii May 2005: “Anigaa caawiye ka ahaa, waana waqtigii ay halyeeynimadiisa bilaabatay” ayuu yiri Ronaldinho maalmo ka hor.
Messi ayaana kooxaha ka horimaanayay ku harqiyay goolal isagoo tan iyo markaas dhaliyay 497 gool kale, waxaana ay goolashiisa isagu jiraan kuwa noocyo badan oo farshaxan ah.
Xiddiga Barcelona ayaa rajeynaya inuu gaari karo goolashiisii 500aad isbuuc muhim u ah kooxda Catalans, habeenka Arbacada waxa ay isku dayi doonaan inay ka soo laabtaan guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Juventus lugtii hore ee wareegii sideed dhamaadka ee Champions League.
Share:

0 comments:

Post a Comment