This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

WARBIXIN: Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Barbaraha U Kala Baxeen Arsenal Iyo Manchester City Maanta

Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa dhicaha ku kala qeybsaday Emirates Stadium ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah. Leroy Sane ayaa hogaanka u dhiibay City ka hor inta uusan u barbareynin Theo Walcott. Mar kale Arsenal ayaa ku qasbanaatay inay gadaal ka timaado markii Mustafi uu barbareeyay goolkii Sergio Aguero. Hadaba waxaan eegeynaa afar waxyaabood oo laga bartay kulankii maanta.


1. Xiddigaha Gunners oo cirbaha dhulka surtay xilli xaalad xun ay ku jiraan

Wax walba oo ay taageerayaasha Arsenal ka aaminsan yihiin tayada ciyaartoydooda, waxa ay ahaayeen kuwa cirbaha dhulka surtay waqti adag oo soo maray qeybtii hore iyo weliba xilli xun oo ay kooxda ku jirto.
Mararka qaar Sane, Sterling, De Bruyne iyo Aguero waxa ay dhamaantood u muuqdeen kuwa cagta marinaya Arsenal iyagoo Gunners ku cabsi geliyay orodkooda.
Goolkii ay City hogaanka ku qabatay kaliya shan daqiiqo oo ay ciyaarta socotay ayaa Arsenal ka dhigtay kuwa u muuqday inay guuldareysanayaan. Laakiin ciyaartoyda Arsenal ayaa dagaalamay xilli ay isdhiibi kareen.
Theo Walcott ayaa taakalo sameynayay isagoo xitaa ku qabtay Fernandinho, Ozil iyo Sanchez fursado ayaa soo maray ka hor inta uusan Walcott shabaqa soo taabanin.
Galab uu jawiga sumeysan yahay islamarkaana laga filayay inay isdhiibi doonaan waxa ay noqdeen kuwa cirbaha dhulka surtay. Waana cadaalad darro in la beeniyo taas


2. Daafacyada uma aheyn galab fiican

Inkastoo kulanka uu ahaa mid fiican hadana waxaan aragnay maanta sababta ay Arsenal kaga maqan yihiin afarta kaalimood ee ugu sareysa iyo sababta ay City uga hartay tartanka horyaalka. Midkoodna labada kooxood ma ahan kuwa difaacan kara kubad.
Kulankaan waxa uu fursad u ahaa kooxda Pep Guardiola inay ka faa’ideystaan koox kala daadsan oo Arsenal ah iyagoo heystay weerar adag oo argagax leh. Laakiin wixii lacag ahaa ee ay geliyeen suuqa kala iibsiga, City waxa ay weli ka furan tahay xaga danbe.
Isku daygii uu Gael Clichy ku doonayay inuu Walcott kubada kaga difaacdo goolkii barbaraha waxa ay aheyd mid laga xishoodo.

Kumaa raacayay Mustafi markii uu madax ku dhalinayay kubad gees laad aheyd? Jawaab celinta Caballero ee kubadaas madaxa aheyd iyadana waxbaa ka qaldanaa.City waxa ay u baahan tahay inay shaqo rasmi ah ka qabato daafacooda xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga



 


 

Share:

0 comments:

Post a Comment