This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Tababare Zidane Oo Shaaciyay Kooxda Uu Kala Hortagayo Atletico Madrid – Ronaldo & Bale Oo Dib U Soo Laabtay.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay ciyaartoyda uu kala hortagayo kooxda Atletico Madrid kulanka adag ee Sabtida ee ka tirsan horyaalka La Liga iyadoo xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ay dib ugu soo laabteen kooxda ka dib markii la nasasiiyay kulankii ay ka badiyeen Leganes isbuucaan.
Weerarka seddexda ah ee BBC ee Bale, Benzema iyo Cristiano Ronaldo ayaa dib isagu soo laaban doona kulanka Madrid Derby, halka xiddigaha khadka dhexe ee ugu muhiimsan ay ku jiraan liiska ciyaartoyda uu soo saaray Zidane.
Toni Kroos, Casemiro iyo Luka Modric ayaa ka filayaa inay ku soo bilowdaan kulanka Sabtida halka Isco & James Rodriguez ay ka soo muuqan doonaan booskooda caadiga ah ee kursiga keydka.
Dhanka daafaca waxaa weli Real Madrid dhaawac uga maqan Raphael Varane, laakiin xiddigaha la filayo inay ciyaaraan sida Marcelo, Ramos, Pepe iyo Carvajal ayaa liiska ku soo baxay, iyadoo goolhaye Keylor Navas ay hubanti u tahay inuu ku soo bilaabanayo kulanka Sabtida.


LIISKA CIYAARTOYDA REAL MADRID AY KALA HORTAGEYSO ATLETICO MADRID

Goolhaye: Keylor Navas, Kiko Casilla, Rubun Yanez
Daafac: Carvajal, Pepe, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Coentrao, Danilo
Khad Dhexe: Kroos, James, Casemiro, Kovacic, Modric, Asensio, Isco
Weerar: Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vazquez, Mariano, Morata

 
Share:

0 comments:

Post a Comment