This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Inter Iyo Ac Milan Oo Barbaro Ku Kala Baxay Kulankii Derby della Madonnina Xilli Zapata Uu Waqtigii Dhimashada Guuldaro Ka Badbaadiyay Kooxdiisa.

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Mauro Icardo iyo Antonio Candreva (Inter Milan), Alessio Romagnoli iyo Christian Zapata (Ac Milan) ayaa barbaro kusoo dhameeyay kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray kooxda Inter Milan iyo Ac Milan ee Derby dello Medoninna.
Waa darbigii labaad ee xilli ciyaareedkaan, balse labada kulanba natiijo isku mid ah iyo goolal isku mid ah ayaa lagu kala baxay (2-2) ayaana labada kulanba lagu kala baxay iyadoo Candreva uu noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee labada kulan ee kulankaan goolal ka dhaliya tan iyo 2011/2012.
Ac Milan ayaa dar-dar ku bilowday ciyaarta inkastoo weeraradii ay bilowgii sameysay ay ahaayeen kuwo aysan natiijo ka keenin.
HALIS! Inter Milan ayaa daqiiqad waali ah gashay kadib markii Milan ay weerar culus ku qaaday goolka Handanovic iyadoo Matias Fernandez uu ka faa’ideystay qalad uu galay da’yaka Gagliardini.
Si fiican ayey u abuureen, balse Deulofeu, Bacca iyo Fernandez ayaa ku fashilmay iney gool u badalaan waxaana ka hor yimid daafac adag daqiqiadi 2-aad ee ciyaarta.

Joao Mario ayaa si qurux badan uga xariiftamay laba ka mid ah ciyaartoyda Milan, ka hor inta uusan kubad lasoo galin xerada ganaaxa, si fiican ayuu isugu dayay inuu ugu gudbiyo Icardi, balse De Sciglio ayaana ka saaray daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.
HALIS! Suso iyo Deulofeu ayaa daqiiqad dhib badan galiyay iyadoo Handanovic uu muujiyay sida uu u yahay badbaadiyaha kooxda madama uu kubad meel dheer laga soo toogtay ka badbaadiyay Sosa ka hor inta uusan Deulofeu birta ku garaacin kubad uu diilinta ku jirayn daqiiqadii 15-aad.
GOAL! Daqiiqadii 36-aad – Antonio Candreva ayaa hogaanka u dhiibay Inter Milan kadib markii uu si wacan u dhameystiray kubad uu meel dheer ka caawiyay Roberto Gagliardini, waana goolkiisii labaad ee uu ka dhaliyo Milan hal xili ciyaareed gudaheeda.

Candreva ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Inter Milan ah kaas oo goolal ka dhaliyay Milan kulamada Derby de Milan hal xili ciyaareed gudaheed tan iyo Diego Milito oo sidaas sameeyay 2011/2012.
GOAL! Daqiiqadii 44-aad – Mauro Icardi, Inter Milan ayaa weerarkii labaad oo gaadmo ah gool ku heshay, waxaana si fiican iskula jaan qaaday Icardi iyo Perisic, ugu dambeyntii Ivan ayaa kubad mel fudud ka siiyay Icardi oo si fudud kubad shabaqa ugu shubay.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Inter Milan, inkastoo Ac Milan ay aheyd kooxda mar walba gacan sareysay hadana wiilasha Pioli ayaa waaya aragnimo hogaanka ku qabtay.
Inter Milan ayaa lasoo baxday dar-dar culus qeybtii labaad waxeyna bilowgiiba cadaadis saareen goolka Milan, Ivan Perisic ayaana qasaariyay fursadii ugu fiicneed ee Inter markii uu kubad ka helay Icardi isagoo ku sugan xerada, balse kubadii uu goolka aadiyay waa laga beeniyay.
HALIS! Deulofeu garabka Milan ayaa sameyay isku day uu ku beegsaday goolka Inter, markii uu kubad awood leh ka toogtay banaanka xerada ganaaxa, balse Handanovic ayaana ka beeniyay.
GOAL! Daqiiqadii 83-aad Alessio Romagnoli ayaa soo celiyay rajada Ac Milan daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta markii uu si fiican uga faa’ideystay kubad uu dhinaca kasoo qaaday Suso.
Ac Milan ayaa sameysay dadaal dheer oo ay ku doonayaan iney helaan goolka barbaraha balse ugu dambeyntii wey heleen goolkii ay raadinayeen.
GOAL! Daqiiqadii 90+ Christian Zapata ayaa dhaliyay goolka barbaraha ee kooxda Ac Milan daqiiqadii ugu dambeysay iyadoo goolkaas lagu xaqiijiyay Goal Line Technology.
Natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay barabro 2-2 ah si la mid ah kulankii hore ee dhacay bishii November.
Waxba iskama badalin dhanka kala sareynta labada kooxood walina Milan ayaa 2-dhibcood ka sareysa Inter Milan madama (Ac) ay leedahay 58-dhibcood, halka Inter ay leedahay 56-dhibcood.

Share:

0 comments:

Post a Comment