Guuldarada Chelsea soo gaadhay ayaa sabab u noqon karta in kooxo ka quusanayay koobka Premier Leaque-ga uu markale hunguri galo iyada oo 10 dhibcood ee ay Chelsea ay isku ilaalinaysay lagu soo yareeyay 7 dhibcood iyada oo Tottenham guul muhiim ah ay ka soo gaadhay Burnley.
Ugu horayn Antonio Conte oo ka hadlaya kulanka arbacada ee Man City iyo muhiimada uu kooxdiisa u yeelan doono ayaa yidhi: ” Waxaa waajib nagu ah in aanu arbacada la ciyaarno kulanka Manchester City, waxaanu dhamaantayo ognahay awooda kooxdan. Hadda waxa ugu muhiimsani waa in aanu nasano oo aanu si fiican uga soo kabsano oo aanu sida ugu fiican ugudiyar garowno”.
Haddii ay kooxdu tahay Manchester City ama aad ka hor imanayso koox ka dagaalamaysa in ay heerka labaad udhacdo waa isku mid. Idinka ahaan (saxaafada) waxay idiin tahay natiijo fiican waxay xiiso badan idiinku yeelaysaa horyaalka”.
Markasta waxaan sheegaa in aanu horyaalku dhamaan ilaa marka xisaab ahaan loogu guulaysto mooyee. Haddii kale waxaa kugu waajib ah in aad u dagaalanto sidoo kalena aad kulan kasta isku daydo in aad guulaysato. England kama jirto ciyaar sahlani”
0 comments:
Post a Comment