This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

In Liverpool Ay U Sheegtay Iney Iibinayan, Iney Barca Xiiseyneysay & Xabi Alonso Oo Ka Sheekeyay Sida Uu Busquets Uga Diiday Inuu Aado Camp Nou.

Ciyaariyahankii hore Liverpool iyo Real Madrid Xabi Alonso haatanna ka mid ah xidigaha kooxda Bayern Munich ayaa banaanka soo dhigay iney xiiso usoo bandhigeen Barcelona ka hor inta uusan 2009 ku biirin Los Blancos.
Xabi Alonso oo 35-jir ah ayaa isaga tagay Reds sanadkii 2009 isagoo aaday kooxda Real Madrid, wuxuuna mudadiisa halkaas ku guuleystay La Liga, Champions League, Copa del Rey, Super Copa de Espana ka hor inta uusan Pep Guardiola kula midoobin Allianz Arena.
Xidigii hore qaranka Spain ayaa ku dhawaaqay inuu dhamaadka xili ciyaareedkaan ka fariisan doono kubadda cagta balse wuxuu ka sheekeeyay sida uu Sergio Busquets uga hor istaagay inuu ku biiro Barcelona ka hor Madrid.

“Waxey dhacday waqti aan sidaas uga fogeyn marka aan aaday Real Madrid” Ayuu Alonso u sheegay El Pias, “Liverpool waxey ii sheegtay iney doonayaan iney i iibiyaan, macalinkii xiligaas Benitez ayaa sidoo kale ii sheegay, Pep ayaa xiiseynayay xaaladeyda”
“Wuxuu doonayay inuu ila saxiixdo sida uu ii sheegay Rafa, waxaana ahaa nuuca ciyaartoyda ee ku haboon doorkooda, balse wuxuu galiyay shaki sababtoo ah Busquets oo kasoo dhexbaxay kooxda, wuxuuna noqday ciyaariyahan weyn”
“Guardiola isaga ayuu doortay, mana uusan dooneyn inuu qalad sameeyo”
Si kastaba Alonso ayaa haatan 23-kulan oo Bundesliga ah kasoo muuqday Bayern xilli kooxda Fc Hollywood ay 8-dhibcood hogaanka horyaalka ku heyso.


Share:

0 comments:

Post a Comment