Arsenal ayaa bartilmaameedka kowaad ka dhiganaysa gool dhaliyaha kooxda Lyon iyo xulka qaranka France ee Alexandre Lacazette wuxuuna waqti dheer soo ahaa xidig uu Arsene Wenger in badan ka doonayay Emarites Stadium. Laakiin markale Arsene Wenger ayaa waaji kara xidig muhiim ah oo kooxdiisa bartilmaameedka kowaad u ah iyada ookooxaha Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid ay sare u qaadeen xiisaha ay ku doonayaan Alexandre Lacazette.
Sababta ugu wayn ee ay Arsenal ku waayi karto saxiixa Alexandre Lacazette ayaa ah haddii uu u soo bixi waydo tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga wuxuuna si wayn u doonayaa in uu iskaga baxo kooxdiisa Lyon oo xili ciyaareedkan ka tartamaysa Europa Leaque-ga wuxuuna doonayaa in uu ka ciyaarto Champions Leaque-ga.
Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaadka xili ciyaareedkan suuqa la gasho 200 milyan oo gini iyada oo waliba doonaysa in ay 100 milyan ka soo saarto ciyaartoy kooxdeeda ka tirsan oo ay iska iibinayso balse waxaa halka ugu saraysa kaga jira liiska ciyaartoyda ay doonayso gool dhalyaha Lyon isku muujiyay ee Alexandre Lacazette.
Laakiin iyada oo Manchester United doonaysa saxiixa Antoine Greizmann ayay Ateltico Madrid doonaysaa in haddii uu Griezmann kooxdeeda ka baxo in ay badalkiisa ka dhigato Alexandre Lacazette taas oo Arsenal ku qasbi karta in ay seegto xidig waqti dheer bartilmaameed u soo ahaa balse sidoo kale kooxda Borussia Dortmund oo kooxaha waa wayn si sahlan ugu garaacda saxiixyada xidigo muhiim ah ayaa tartanka dhinaceeda kaga jirta.
Home »
Arsenal
,
premier league
,
wararka Guud
,
warbixino
» Arsenal Oo Waayi Karta Alexandre Lacazette Iyada Oo Kooxaha Atetletico Madrid Iyo Borussia Dortmund Ay Sare U Qaadeen Xisaha Ay U Hayaan Xidiga Ree France.
0 comments:
Post a Comment