This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Miyuu Robert Lewandowski Diyaar U Yahay Kulanka Lugta Labaad Ee Quarter Finalka Champions League?

Weeraryahanka reer Poland ee kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa seegay kulankii lugta hore wareega quarter finalka Champions League markaas oo kooxdiisa ay 2-1 guuldaro ah kala kulantay Real Madrid.
Lewy dhaawac garabka ah ayaa soo gaaray kulankii Dortmund taasoo seejisay inuu kasoo muuqdo kulankii dhacay arbacadii, balse markaan wuxuu diyaar u noqon doonaa kulanka lugta labaaad markaas oo 19-ka April la isugu imaan doono Estadio Santiago Bernabeu.
Carlo Ancelotti ayaan ka rajo dhigin inuu helo daafaciisa Mats Hummels iyo sidoo kale Robert Lewandowski.


“Waxaan heysanaa lix maalmood, sidaas darteed waxey ila tahay iney labada ciyaartoy kusoo kabsan karaan” ayuu yiri macalinka reer talyaani isagoo la hadlayay Bild.
Dhanka kale weeraryahankii hore Dortmund mar walba wuu ku niyadsan yahay inuu soo laabto kulanka Madrid ka dhici doona.
“Kulanka Madrid, waan soo laaban doonaa” ayuu yiri Lewy.
“Xanuunka wuu darnaa inyar, waanan sababta aanan u ciyaarin lugta hore, taxadar ahaan” ayuu hadalkiisa kusoo afjaay Lewy.
Share:

0 comments:

Post a Comment