This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Man City Oo Ka Dayrisay Dhaawaca Goolhaye Bravo , Maxuu Tababare Pep Ka Yiri ?.

Goolhayaha Man City ee Claudio Bravo ayaa laga yaabaa in uu kooxdiisa uga maqnaado dhaawac inta ka harsan xilli ciyaareedkaan .
Laacibkaas ayaa ku dhaawacmay kulankii xalay Man City ee horyaalka ka dib markii uu muruqa booday xilli uu kubad bad-baadinayay.
Macalin Pep ayaa yiri ” ma aqaan in goolhaye Bravo xilli ciyaareedkaan uu nala sii joogayo ,saacadaha soo socda ayaan arkeynaa xaaladdiisa”.

Dhaawaciisa waa muruqa balse in uu todobaadyo maqnaanayo waa ay u badan tahay” ayuu sii raaciyay tababare Pep .
“Ma aqaan in xilli ciyareedkaan inta ka harsan uu nala sii joogayo” ayuu yiri macalin Pep
Goolhayahas ayaa dhaawacmay daqiiaaidi 78 -aad waxa uuna garoonka ka baxay daqiiqaddii 79-aad
Share:

0 comments:

Post a Comment