Kulamadii 30-aad ee horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray
sabtidii iyo Axaddii waxaana guulo gaaray kaliya marka la fiiriyo 7-da
kooxood ee ugu sareysa Liverpool iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo goolal
fiican kaga badiyay Everton iyo Burnley.
Chelsea waxey guuldaro
kala kulantay Crystal Palace, halka Manchester United ay barbaro la
dhaafi weysay West Brom, halka labada kooxood ee City iyo Arsenal ay
barbaro ku heshiiyeen kulankoodii Emirates Stadium.
Kadib kulamadii todobaadkaan, waxaan fiirin doonaa xogaha ugu waaweyn horyaalka Premier League iyo isbadalkii ku yimid isbuucaan
GOOLDHALINTA:
Gooldhalinta waxaa hogamaninaya
weeraryahanka Everton Romelu Lukaku kaas oo dhaliyay 21-gool, waxaana
kaalinta labaad ku jira Harry Kane oo dhaliyay 19-gool kana tirsan
Tottenham Hotspur, halka booska 3-aad uu ku jiro Alexis Sanchez oo
dhaliyay 18-gool.
LIISKA KALA HOREYNTA:
1. Romelu Lukaku (Everton) 21-gool
2. Harry Kane (Tottenham) 19-gool
3. Alexis Sanchez (Arsenal) 18-gool
4. Diego Costa (Chelsea) 17-gool
5. Zlatan Ibrahimovic (Man United) 15-gool
DHANKA CAAWINTA:
Caawinta waxaa ka hor
kulamadii isbuucaan hogaaminayaya wiilka Swansea iyo xulka qaranka
Iceland Gylfi Sigurdsson kaas oo lahaa 11-caawin, balse todobaadkaan
waxaa barbareeyay Kevin De Bruyne oo caawiyay goolkii hogaanka u dhiibay
Manchester City Leroy Sane.
KALA HOREYNTA:
1. Kevin De Bruyne (Man City) 11-caawin
2. Gylfi Sigurdsson (Swansea City) 11-caawin
3. Christian Eriksen (Tottenham Hotspur) 10-caawin
4. Alexis Sanchez (Arsenal) 9-caawin
5. Matt Phillips (West Brom) 8-caawin
BAASASKA IYO BADBAADADA:
Baasaska
ugu badan ee horyaalka Premier League waxaa sameeyay kabtanka Liverpool
Jordan Henderson kaas oo sameeyay 2,057, waxaana kusoo xiga Paul Pogba
kaas oo sameeyay 1,879 baas, Cesar Azpilicueta ayaa sidoo kale noqday
kan sadexaad wuxuuna sameeyay 1,864.
Dhanka kale badbaadada ugu
badan horyaalka waxaa sameeyay Tom Heaton 115-badbaado ayuuna sameeyay
xiddiga Burnley, Ben Foster ayaa 99-badbaadin sameeyay halka wiilka
Sunderland Pickford uu sameeyay 96-badbaadin.
Home »
premier league
» Maxaa Iska Badalay Kala Sareynta Goolasha, Caawinta, Baasaska & Badbaadinta Horyaalka Premier League Kadib Kulama dii Isbuucaan?
0 comments:
Post a Comment