This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Warbixin: Raacashadii Hererra Ee Hazard Oo Lagu Najaxay & Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Man United Old Trafford Ku Dubatay Chelsea

Manchester United ayaa hadiyad weyn u gacan gelisay Tottenham tartanka horyaalka Premier League ka dib markii ay guul 2-0 ka gaareen kooxda Chelsea ciyaartii maanta ka dhacday Old Trafford.
Guuldaradaas waxa ay keeneysaa in kooxda Antonio Conte ay kaliya afar dhibcood hogaanka kaga qabtaan kooxda kaalinta labaad ee Spurs.
Marcus Rashford ayaa United hogaanka u dhiibay qeybtii koowaad ka hor inta uusan Ander Herrera goolka labaad ahlinin qeybtii labaad ee ciyaarta.
Hadaba waxaan eegeynaa shan waxyaabood oo laga bartay kulankii maanta….

1. United oo nasiib ku laheyd go’aankii kubada gacanta

 

Baaskii uu Ander Herrara siiyay Marcus Rashford goolkii furitaanka ee ka dib markii ay ciyaarta socotay todobo daqiiqo waxa ay aheyd fantastik, laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa nasiib ku lahaa inaan lagu ciqaabin kubad gacan aheyd ka hor inta uusan caawiye noqonin.
Ciyaartoyda Chelsea ayaa ku carooday garsoore Robert Madley madaama uu Herrera gacantiisa u isticmaalay inuu ku celiyo baaskii Nemanja Matic.

2. Raacashadii tooska aheyd ee Herrera ee Hazard oo shaqeysay

Kubada cagta casriga ah, in shaqsi shaqsi la isku raaco waxaa inta badan loo arkaa wax laga tagay, taatiko hore oo duqowday, laakiin sida uu Ander Herrera u raacday Eden Hazard isagoo u raacayay meel walba uu xiddiga reer Belgium ka tago garoonka ayaa u shaqeysay kooxda United. 

Hazard ayaa awood u yeelan waayay inuu saameyntiisa caadiga aheyd ku yeesho ciyaarta, waxaana ay United ku ku guuleysatay inay la degto xiddiga reer Belgium, si la mid ah Pedro ayaa isna rafaaday madaama uu raacasho toos ah kala kulmay Matteo Darmian.

3. Rashford oo ka faa’ideystay fursadii la siiyay

Iyadoo Zlatan Ibrahimovic lagu soo bilaabay kursiga keydka kulan Premier League ah markii ugu horeysay, Marcus Rashord ayaa la siiyay fursad uu ku soo bandhigo inuu hogaamin karo weerarka, waxaana uu ciyaaray kubad saameyn leh.
19 jirkaan ayaa ka soo baxay howshii loo dhiibay, isagoo dhaliyay goolkii furitaanka ee United, waxaana uu orodkiisa iyo dhaqdhaqiisa caqliga ku dhisnaa uu ku jahwareeriyay daafaca Chelsea.
Waxaa soo martay xitaa fursado kale uu gool ku dhaliyo, laakiin waxa uu xaqiijiyay inuu xureysan karo booska gooldhaliyaha.

4. Herrera oo ka aargutay Chelsea

Ander Herrera ayaa ahaa xiddiga eeda oo dhan dusha laga saaray kulankii Chelsea ee bishii hore, isagoo galay labo qalad oo isku xiga taasoo keentay in casaan la siiyay kulankii United looga badiyay 1-0 ee FA Cup.
Herrara ayaa dareemay in lagu degdegay casaankiisa kulankaas, waxaana uu u ciyaaray nin aargudasho u socda kulankii maanta isagoo caawiye ka noqday goolkii Rashford, waxaan uu dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta.

5. Chelsea oo saameyn ay ku yeelatay isbedelkii ay sameeyay xilli danbe

Markii Marcos Alonso uu ku dhaawacmay iskululeynta, tababaraha Chelsea ayaa lagu qasbay inuu isku shaandheyn xilli danbe ah sameeyo, isagoo daafaca ku soo daray Kurt Zouma, waxaana ay talaabadaas keentay in Chelsea ay xaga danbe ka jilcanaato.
Ma jirin xiriir ama isfaham u dhaxeeyay Zouma iyo David Luis iyadoo United ay si buuxda uga faa’ideysatay isfaham la’aantooda xaga danbe.

 

 

 

Share:

0 comments:

Post a Comment