Xidigii hore kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee Steven
Gerrard ahna falaqeeye ka howl gala shabakada BT Sport ayaa qiray in
maqnaanshiyaha Vincent Kompany ee inta ugu badan kulamada xili
ciyaareedkan ee kooxda Manchester City, ay sabab u tahay saameynta ugu
xoogan ay kooxda Pep Guardiola ku noqotay inay qeyb ka noqon weydo
kooxaha ku tartamaya ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Vincent Kompany ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kulankii
ay shalay kooxdiisa la ciyaartay Southampton, wuxuna kulanka ku soo
idlaaday 3-0, xili gool ka mid ah uu kulahaa kabtanka kooxda Vincent
Kompany, kadib kasoo laabashadiisa dhaawacii uu la dhibtoonayay tan iyo
bishii August 2015.
Kadib bandhigii wanaagsanaa kulankii Southampton ee Vincent Kompany ayaa
wuxuu Steven Gerrard u sheegay “BT Sport”: “Manchester City waxay u
tartami lahayd horyaalka Premier League, hadii uu Vincent Kompany qeyb
ka noqon lahaa safkeeda tan iyo bilawga xili ciyaareedka, sababtoo ah
waa xidig saameyn xoogan ku leh safka kooxda Pep Guardiola, sababtoo ah
wuxuu qeyb ka yahay xidigaha howsha adag ka dhax qabta garoonka”.
Si kastaba Manchester City ayaa haatan fadhida booska 3aad ee dhanka
kala sareynta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kadib
markii ay kulamadii ay kasoo ciyaartay ka heshay 64 dhibcood, waxayna 11
dhibcood u jiraan hogaamiyayaasha Chelsea, oo iyagu aruursaday ilaa iyo
haatan 75 dhibcood.
Home »
man city
,
premier league
» Haddii Vincent Kompany Uu Si Joogto Ah Qayb Uga Soo Ahaan Safka Kooxda Guardiola Ee Man City, Waxay Xili Ciyaareedkan U Tartami Lahaayeen Koobka Premier Leaque-ga.
0 comments:
Post a Comment