This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Hordhac: Bournemouth vs Chelsea – Conte Oo Fursad Fiican U Heysta Inuu Mar Kale Dilo Rajada Kooxaha Kale.

Chelsea ayaa dooneysa iney talaabo xoog leh u qaado hanashada horyaalka Premier League marka ay Vitality Stadium ku booqato Bouremouth inkastoo guusha iyo guuldarada kooxaha kusoo xiga qudheeda ay gacan siin karto.
Antonio Conte iyo wiilashiisa waxey dhamaadkii todobaadkii tagay gurigooda ku garaaceen Man City oo ay 2-1 ku dubteen Eden Hazard ayeyna kaga mahad celinayaan.
Blues haatan 7-dhibcood ayey ka sareysaa kooxda kusoo xigta ee Spurs oo maanta soo dhaweyneysa Watford.


WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Bournemouth vs Chelsea
Tartanka: Premier League
Garoonka: Vitality Stadium
Garsoore: Andre Marriner (England)
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?


Bournemouth wali waxaa ka maqan Tyrone Mings oo ganaaxii inuu ku istagay Zlatan loogu soo rogay sidoo kalana waxaa kooxda ka maqnaan doona Surman, sido kalana waxaa muddo dheer ka maqnaa Adam Federici iyo Calum Wilson.
Dhanka kale Chelsea wax dhibaato ah ma qabto marka laga reebo in Victor Moses uu kulankiisii sadexaad maqnaan karo.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bournemouth ayaa lumisay lix ka mid ah 8-kulan oo ay dhamaan tartamada oo dhan ka ciyaartay Chelsea, guushooda kaliya ee ay gurigooda ku heleen waxey aheyd markii isugu horeysay Sepmtber 1988.
Kadib markii ay guuldaro kala kulantay Blues dhigeeda Cherries, December 2015, Chelsea ayaa badisay 2-jeer oo ay is arkeen iyadoo dhalisay 7-gool.
Blues ayaa lumisay kaliya 1-jeer, 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada Premier League banaanka kusoo ciyaartay 9-kulan wey badiyeen.

LINE UPKA MACQUULKA AH:
Bournemouth: Boruc; Smith, Francis, Cook, Daniels; Fraser, Arter, Wilshere, Pugh; King, Afobe
Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Pedro, Kante, Matic, Alonso; Willian, Costa, Hazard
Share:

0 comments:

Post a Comment