Jamaahiirta Gunners ayaa si weyn ugu
kala qeybsan arinka tababaraha reer France Arsene Wenger kaas oo aan
wali heshiis cusub qalinka ugu duugin kooxda ka dhisan waqooyiga London,
dhawr jeer ayeyna dhacday iney si aan caadi aheyn isugu jawaabaan.
Waxey
aheyd kulankii The Hawthrones ee ay guuldarada kala kulmeen Gunners
kooxda West Brom markaas oo ay laba diyaaradood soo kormareen garoonka,
waxeyna kala wadeen laba fariin oo midi kasoo horjeedo Arsene midna lagu
amaanayo Arsene.
Shalay ayey aheyd markii ay Jamaahiirta Gunners ee kasoo horjeeda Arsene
Wenger ay si xun ugu bahdileen banaanka Emirates kulankii ay barbaraha
la galeen Manchester City, balse dhacdada 33-aad ee ciyaarta Musaaricada
“WrestleMania” ayaa xalay laba sawir oo kala qeybsanaan ah lagu arkay.
Sidoo kale sawir kale ayaa lasoo helay kaas oo gadaal kaga dhaganaa meel uu soo jeediyaha bandhigga kasoo tabinayay ciyaarta waxeyna noqotay in kala qeybsanaanta jamaahiirta Arsene ay gaartay meel 4,000 Mile u jirta garoonka Emirates Stadium.
0 comments:
Post a Comment