Xidiga xulka qaranka Germany iyo kooxda PSG ee Julian Draxler ayaa waraysi uu siiyay Le Parisien kaga hadlay guuldaradii kooxdiisa ku soo gaadhay kulankii ay Barcelona taariikhda kaga abuurtay Champions Leaque-ga isaga oo saxaafada Madrid ku tilmaamay in ay natiijadii kulankii Camp Nou sabab uga dhigeen go’aanadii garsoorka balse ay xaqiiqdu ahayd in kooxdiisa PSG ay si xun u ciyaartay.
Julian Draxler ayaa ka mid ahaa xidigihii Barcelona nafta u keenay kulankii Paris wuxuuna ka mid ahaa xidigihii goolasha u dhaliyay balse kulankii lugtii labaad ee Camp Nou ayuu qiray in kooxdiisu ay ciyaartay qaab aad u liitay isla markaana ay Barcelona tahay kooxda aduunka ugu fiican. Julian Draxler ayaa qiray in ay jireen go’aano aan kooxdiisa caawin balse ayna kuwaasi ahayn sababta dhabta ahayd ee ay u guuldaraysteen.
“Anagu waxaanu ciyaarnay kulan aad u xun. Barcelona waa kooxda aduunka ugu fiican. Marka aad ku guuldaraysato 6-1 ma noqon karto qaladka garsoorka. Go’aano khaas ah oo garsoorka ahaa ayaan na caawin laakiin marka aad hanaankan oo kale u guuldaraysato kaliya qaladku ama aha garsoorka.Waxaad jeclaysanaysaa in aad kulankan iska tirtirto”.
Home »
Barcelona
,
La liga
» Julian Draxler ayaaa Wax kama Jiraan ku Tilmaamay Eedooyinkii Loo Jeedinayey Garsoorihii Ciyaarta Waalida Ahayd Ee chambion League Barce Vs PSG
0 comments:
Post a Comment