This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Hordhac: Liverpool vs Everton – Klopp vs Koeman – Mane vs Gueye – Dhaawacyada, Xaqiiqooyinka & Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Merseyside Derby

Liverpool iyo Everton ayaa is wajahi doona waana kulanka ugu adag kulamada maanta ka jira horyaalka Premier League, sidoo kalana labadaan kooxood waxey leeyahiin ujeedooyin kala duwan.
Reds waxey dooneysaa iney sii xajisato hamigeeda afarta ugu sareysa, halka Toffees ay si tartiib tartiib ah ugu soo dhawaaneyso afarta sare madaa booska afaraad ee Liverpool uu u jiro kaliya 6-dhibcood.
Jurgen Klopp ayaa isha ku haya inuu guuleysto kulankiisii sadexaad ee Merseyside Derby madama labadii kulan ee hore uu guulo helay, kulankiisii ugu horeeyay ee dhacay 2016 wuxuu ku qaarijiyay Everton 4-0 ciyaar lagu madlay Anfield.



WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Liverpool vs Everton (Merseyside Derby)
Tartanka: Premier League
Garoonka: Anfield Road
Saacadda: 2:30 Duhurnimo (XGA)
Garsooer: Anthony Taylor (England)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Liverpool waxey weyneysaa kulanka galabta Adam Lallana kaas oo dhaawac uu soo gaaray waqtigiisa qaranka England, sidoo kale Jordan Henderson ayaan ciyaari doonin kaas oo cagta dhibaato ka qaba.
Daniel Sturridge tababarka ayuu kusoo laabtay balse wali isbuucyo ayaa uga haray inuu taam buuxa u noqdo inuu garoon soo galo.

Dhanka kale Everton waxey weyneysaa Seamus Coleman, James McCarthy, Ramiro Funes Mori iyo Morgan Schneiderlin kuwaas oo siyaabo kala duwan u maqna.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Liverpool wax guuldaro ah lama kulmin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahdo Everton kulamada horyaalka, 5-guul iyo 7-barbardhac ayey ka heysataa, markii ugu badneyd oo aysan guuldaro kala kulmin waxey aheyd intii u dhaxeysay 1972 ilaa 1978 markaas oo aysan guuldaro ka qaadan 13-kulan.

Markii ugu dambeysay oo ay Anfield ku badiso Everton waxey aheyd September 1999, 8-barbaro iyo 8-guuldaro ayey heshay wixii ka dambeeyay.
Kulankaan waa kan ugu casaanka badan dhamaan kulamada horyaalka Premier League 21-casaan ah ayaa la qaatay Ramiro Funes Mori ayaana ahaa xidigii xagaagii hore Anfield ku gudoomay casaan.
Jurgen Klopp ayaa noqon kara macalinkii ugu horeeyay taariikhda kulankaan ee sadexdiisa kulan ee ugu horeeya kulamada horyaalka badiya.
Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 5-gool kulamadiisa Liverpool ee horyaalka, balse kaliya hal gool ayuu ku dhaliyay Anfield waana waqti uu ka tirsanaa West Brom February 2013.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Liverpool:
Mignolet; Clyne, Matip, Lovren, Milner; Can, Lucas, Wijnaldum; Mane, Firmino, Coutinho
Everton:
Robles; Holgate, Williams, Jagielka, Baines; Barkley, Davies, Barry, Gueye, Calvert-Lewin; Lukaku

Share:

0 comments:

Post a Comment