This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

WARBIXIN: Lacagta Ay Kooxaha Premier Leaque-gu Ku Soo Bixiyeen Wakiilada Ciyaartoyda Kooxahooda Oo La Shaaciyay, Kooxdee Lacagta Ugu Badan Ku Soo Bixisay Wakiilada Ciyaartoyda Kooxdeeda?

Waxaa la shaaciyay lacagaha ay koxoaha horyaalka Premier leaque-gu ku bixiyeen wakiilada ciyaartoyda kooxahooda ee muddadii u dhexaysay Febuary 2016 ilaa January 2017. Wakiilada ciyaartoyda ayaa lacag la siiyaa marka uu ciyaartoygu heshiis cusub saxiixo ama uu kooxda ku soo biiro basle 20 ka kooxood ee horyaalka Premier Leaque-ga ayaa si wayn ugu kala duwan lacagta ay ku soo bixiyeen wakiilada.
Febuary 2016 ilaa January 2017 oo ah muddo hal sano ah ayay kooxaha horyaalka Premier Leaque-gu wakiilada ciyaartoyda kooxahooda ku soo bixyeen  £174,227,243 gini waana lacag ay qof kasta layaab ku noqonayso in lacagta intan leeg, laakiin kooxdee lacagta ugu badan soo bixisay?. Halkan kaga bogo koox kasta lacagta ay ku soo bixisay wakiilada ciyaartoyda kooxdeeda.

20. HULL CITY | £1,916,525


19. MIDDLESBROUGH | £2,478,379


18. BURNLEY | £2,567,268


17. WEST BROM | £4,248,605


16. SWANSEA | £4,330,533


15. EVERTON | £5,081,134


14. LEICESTER | £5,359,409


13. STOKE | £5,442,113


12. SUNDERLAND | £5,833,611


11. CRYSTAL PALACE | £5,998,074


10. WATFORD | £6,292,751


9. SOUTHAMPTON | £6,321,036


8. TOTTENHAM | £7,167,773


7. BOURNEMOUTH | £7,415,321


6. WEST HAM | £ 9,486,397


5. ARSENAL | £10,156,567


4. LIVERPOOL | £13,792,355


3. MANCHESTER UNITED | £19,000,973


2. CHELSEA | £25,051,431


1. MANCHESTER CITY | £ 26,286,988


Manchester City ayaa noqotay kooxda lacagta ugu badan ku soo bixisay wakiilada ciyaartoydii ay la soo wareegtay waxayna kooxda Guardiola muddadii 12 ka bilood ahayd ee u dhexaysay Febuary 2016 ilaa January 2017 ay wakiilada ku soo bixisay 26,286,988 gini. Waxaana ku soo xigta Chelsea oo wakiilada ciyaartoyda kooxdeeda ku soo bixisay £25,051,431 gini halka Manchester United iyo Liverpool ay kaalmaha saddexaad iyo afraad ku ku kala jiraan isla markaana ay ku soo bixiyeen £19,000,973 iyo £13,792,355 sida ay u kala horeeyaan.
Share:

0 comments:

Post a Comment