Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema
ayaa aaminsan in dhaqaaqa ay kooxdiisa u sameyneyso ciyaariyahanka
Chelsea Eden Hazard ay tahay talaabo wanaagsan isla markaana xidigaan
herka caalami ee qaranka Belgium uu saxiix wacan u noqon lahaa kooxda
difaacaneysa koobka horyaalada yurub.
Hazard
ayaa si daran loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xilli xidigaan uu
kooxdiisa ka saaciday iney noqoto midda ugu sareysa horyaalka Premier
League oo haatan maraya waqtiyadiisii ugu dambeeyay.
Si kastaba xidigii hore Lille ayaa
dhaliyay 14-gool sidoo kalana wuxuu caawiyay 5-gool kulamada horyaalka,
Los Blancos ayaana dooneysa iney bangiga u jabiso xagaaga soo aadan.
“Hazard waa ciyaariyahan aad u fiican, Maxaan dhihi karaa?” Ayuu Benzema u sheegay Telefoot.
“Ma aanan arkin wararka xanta ah, balse sida iska cad wuxuu noqon karaa saxiix fiican” Ayuu mar kale yiri xidigii hore Lyon.
Real Madrid haatan waa kooxda ugu sareysa La Liga iyadoo 3-dhibcood ka sareysa Barcelona kuna darso iney kulan baaqi ah heysato.
0 comments:
Post a Comment