Mar laabad ku soo dhawaada barnaamijkeenii todobaadka iyo falanqaynta kulamada horyaalka Premier leaque-ga, iyada oo aan marka hore ku bilaabi doono wixii soo dhacay kulamadii 31 aad ee Premier Leaque-ga isla markaana aan raacin doono saamaynta ay kulamadaasi yeesheen anaga oo sidii aad nooga barateen kooxna siin doonin waxayna xaq u lahayn.
Haddii aad dareento in aanan wada sheegin wixii ay aad uga baahnayd kooxdaada waxaan soo dhawaynayaa in aad fariin iigu reebto qaybta hoose ee fariimaha Facebook waxaanan idiin balan qaadi karaa in qofkii rayi fiican soo jeediya aan si toos ah ugaga jawaabi doono. Waxaanan idiinka mahad celinayaa sida fiican ee aad barnaamijkan ugu xidhan tihiin iyo soo jeedimihii aan ka helay qayb idinka mid ah oo dhiiro galin ah.
Markasta waxaa mudan in qormada lagu bilaabo kooxda ugu saraysa horyaalka Premier Leaque-ga isla markaana qormada loo wado sida ay kooxuhu u kala sareeyaan taas oo ah waxa ugu cadaaladsan. ka hor kulamadii 31 aad waxaan soo sheegnay in Chelsea ay hortaalay haddii ay isku furi karto albaabka tartanka horyaalka Premier Leaque-ga iyo in ay alabaabkaas u dayn doonto in uu ugu dhawaan sii xidhnaado, waxayna kooxda Antonio Conte muujisay sababta ay noqon doonto kooxda Champions-ka England waqtiga soo socda.
Xaqiiqdii Chelsea ayaa ku jirtay waqti ay u baahnayd in ay ka soo kabsato xaalad lama filaan ah oo ka soo gaadhay Crystal Palace oo saddexda dhibcood kaga xayuubsatay Stamford Bridge, laakiin jawaabta ugu fiican ee ay bixin kareen ayaa ah in ay saddexda dhibcood xoog kaga qaataan koox ka mid ah kuwii koobka horyaalka Premier Leaque-ga kula taramayay.
Man City waxay u ciyaartay si fiican oo ay ugu qalantay in ay ugu yaraan ku heli kartay hal dhibic laakiin Conte iyo wiilashiisa ayaa uga dhaartay, wuxuuna Conte noqtay tababarihii ugu horeeyay abid kaas oo Guardiola laba guuldaro ku badalay kulamo horyaal ah isaga oo marti iyo minanba ku garaacay macalinka ree Spain. Guardiola ayaan ka hor kulankii Chelsea abid soo guuldaraysan laba kulan oo horyaal ah oo macalin kula ciyaaray horyaalada, Spain, Germany iyo England wuxuuna rekoodhkani khaas u yahay Conte.
Laakiin sidoo kale Antonio Conte ayaa sumad xun ku dhigay Guardiola kadib markii uu sabab u noqday in macalinka Manchester City ee Guardiola uu la kulmay guuldaradiisii lixaad ee taran horyaal ah markii ugu horaysay taariikhdiisa tababaranimo. Laakiin waxaas oo dhan Antonio Conte micno umay lahayn waxaana kala waynaa in uu helay saddex dhibcood oo lix dhicbood kala wayn iyo in uu Blues u sii ilaaliyay 7 dhibcood ee ay kooxhaa kale dayrka ugaga dhiganaysay.
Waxaan qormadii tan ka horaysay ku xusay in haddii ay Cheslea guulaysan waydo uu si toos ah dib ugu furmi doono horyaalka Premier Leaque-gu, waxaanan hubaa in haddii ay Chelsea guuldaraysan lahayd aanan qormadan halkan idiinku soo gudbiyeen balse ay noqon lahayd mid aad uga duwan. Waxaanad fahmi kartaa muhiimada ay Chelsea u lahayd guushii Stamford Bridge, balse Conte waxa uu wali aaminsan yahay in kooxdiisu ay halis wayn ku jirto.
Saadaasha la sameeyay ayaa muujinaysa in Chelsea ay boqolkiiba 99% ku guulaysan doonto koobka Premier Leaque-ga, laakiin waxay wali u baahan tahay in ay dagaalka sii wato isla markaana ayna samayn qaladaadkii kulankii Crystal Palace taas oo haddii ay dhacdo xaalad cusub abuuri karta. Antonio Conte iyo kooxdiisa ayaa hal gacan ku sii dhigay koobka Premier leaque-ga balse waxaa hadhsan dhamaystirkii ugu muhiimsanaa.
Chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulamada 32 aad ee Premier leaque-ga waxayna marti u noqon doontaa kooxda Bournemouth iyada oo lagu sii dhawaanayo dhamaadka xili ciyaareedka ayuu kulan kastaaba la micno yahay sidii finalka oo kale balse Conte iyo kooxdiisa ayaa kulankan seeni doona iyaga oo kalsooni buuxda isku qaba.
Haddii aan u soo laabto kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham waxay kulamadii 31 aad muujisay wax layaableh oo aan la rumaysan karin balse kaliya laga fahmi karo sida ay u sugayso in Chelsea ay sidii Crystal Palce oo kale u kufto. Haddii aad daawanaysay kulankii Man City iyo Chelsea, waxaa babrar socday kulankii ay Tottenham la ciyaaraysay Swansea City.
Ilaa daqiiqadii 88 aad Chelsea ayaa horayalka Premier Leaque-ga ku hogaaminaysay 10 dhibcood oo nadiif ah maadaama oo ay natiijada Stamford Bridge ahayd 2:1 ay Blues gacanta sare ku lahayd isla markaana ay natiijada Libert Stadium 1:0 ay Swansea City hogaanka ku haysay ahayd.
SAADAASHA KAALMAHA AY KOOXAHA PREMIER LEAQUE-GU KU KALA DHAMAYSAN KARAAN:
Mishiinka Premie Leaque saadaaliyaha Sky Sports ayaa saadaaliyay afarta kooxood ee kaalmaha sare ku dhamaysan doona kooxda koobka ku guulaysan doonta iyo waliba saddexda koxood ee heerka labaad u dhici doona. Sida aad qiyaasi karto mishiinku natiijadan meel kale kamuu keenin waxa uu isku min guuriyay xogta kooxaha, kulamadii ay soo ciyaareen, dhibcihii ay ka soo heleen iyo waliba kulamada u hadhsan natiijada laga filan karo.
Qalabkan oo loo yaqaan ‘Sky Sports Premier Predictor’ ayaa saadaaliyay in Chelsea ay boqolkiiba 99% koobka Premier leaque-ga ku guulaysan doonto oo heli doonto 87 dhibcood halka uu Tottenham u saadaaliyay kaalinta labaad isla markaana uu siiyay boqolkiiba 1% in ay koobka ku guulaysan karto balse ay boqolkiiba 94% ku dhamaysan doonto kaalmaha sare iyaga oo heli karta 76 dhibcood.
Mishiinkan ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysan doonto wuxuuna kooxda Reds siiyay wali in ay boqolkiiba 1% fursad u haysato in ay koobka ku guulaysan karto halka boqolkiiba 83% ay fursad u haysato in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysto oo ah heli karto 73 dhibcood.
Saadaaliyaha Premier Leaque-ga ee Sky Sports ayaa Man United siiyay kaalinta afraad ay boqolkiiba 51% ugu soo bixi karto taas oo la micno ah in Manchester City iyo Arsenal uu u saadaaliyay in ay ka hadhi doonan Champions Leaque-ga. Suurgogalnimada ay Man City iyo Arsenal ku heli karaan kaalinta afraad ayaa ah boqolkiiba 37% iyo 35% sida ay u kala horeeyaan.
Halkan Kaga Bogo Xogta Saadaaliyaha Premier Leaque-ga Ee Sky Sports Premier Predictor Oo Dhamaystiran iyo Qaabka Uu Wax U Dhigay:
Kooxda | Koobka | Afarta Sare | Dhibcaha | |
---|---|---|---|---|
Chelsea | 98% | >99% | 87 | |
Tottenham | 1% | 94% | 76 | |
Liverpool | <1% | 83% | 73 | |
Man Utd | <1% | 51% | 70 | |
Man City | <1% | 37% | 70 | |
Arsenal | <1% | 35% | 69 | |
Everton | <1% | 61 | ||
West Brom | <1% | 52 | ||
Leicester | <1% | 48 | ||
Southampton | <1% | 48 | ||
Watford | <1% | 47 | ||
Burnley | <1% | 45 | ||
Stoke | <1% | 45 | ||
Bournemouth | <1% | 43 | ||
West Ham | <1% | 42 | ||
Hull City | <1% | 39 | ||
Swansea | <1% | 39 | ||
Crystal Palace | 38 | |||
Middlesbrough | 30 | |||
Sunderland | 28 |
0 comments:
Post a Comment