Chelsea haatan waa kooxda ugu sareysa horyaalka Premier League iyadoo u muuqata kooxda ugu cad-cad horyaalka marka la eego farqiga dhibcaha ay ka sareyso kooxda kusoo xigta oo ah 7-dhibcood.
Balse guushii layaabka laheyd ee ay Crystal Palace kusoo gaartay Stamford Bridge waxey dhalisay walaac badan iyadoo Antonio Conte uu wali u s
heegay qof walba oo Blues ah inuusan horyaalka wali dhamaan.
“Waxaa jira cadaadis weyn, balse waa caadi marka aad tahay koox weyn hadana aad tahiin kuwo aad u fiican” Ayuu yiri Antonio Conte.
“Marka aad leedahay nasiib kugu filan oo aad ugu dagaalami karto horyaalka waxaa halkaas ah cadaadis, balse anaga kaliya nama saarna, kooxo badan, ha iloobin, kooxaha kale wey u magacaaban yahiin iney ku guuleystaan horyaalka balse wali waxaan joogna
a halka ugu sareysa, waxaana isku dayeynaa inaan ilaashano booskeena, hadii aan ilaashano booskeena waxey la micno tahay inaan taasi u qalanno”
“Horyaalkaan ma dhamaan ka hor sabtidii, mana dhamaan hadda, waxaa haray 9-kulan, waxaan ku qasbanahay inaan talaabo talaabo uga fakarno, ugu dambeyntii hadaan u qalano inaan ku guuleysano waan ku farxi doona, hadii koox kale ay ku guuleysato waxey la micno tahay iney naga fiican yahiin”
Dhanka kale Antonio Conte ayaa ka hadlay kulanka soo aadan ee ay Etihad Stadium kusoo dhaweyn doonaan Man City wuxuuna ka mid yahay kulamada 31-aad ee horyaalka.
“Waa kulan kale, ma garan karo hadey yahiin kooxda nagu haboon anaga” ayuu yiri Antonio.
“Waan ogahay in Manchester City ay u bilaabatay xili ciyaareedka iney ku guuleysato, dhabtii waa koox aad u xoogan, balse waxaa sax ah inaan ka fakarno teenna iyo sidii aan u wajahi laheen kulanba kulan”
“Markaad joogto England ma jiro kulan fudud, kulanka waa mid adag, hadii magaca kooxda kaasoo horjeeda ay tahay City ama ko
ox kale”
0 comments:
Post a Comment