Afar gool oo ay kala dhaliyeen Mauro Icardo iyo Antonio Candreva
(Inter Milan), Alessio Romagnoli iyo Christian Zapata (Ac Milan) ayaa
barbaro kusoo dhameeyay kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray kooxda Inter
Milan iyo Ac Milan ee Derby dello Medoninna.
Waa darbigii labaad
ee xilli ciyaareedkaan, balse labada kulanba natiijo isku mid ah iyo
goolal isku mid ah ayaa lagu kala baxay (2-2) ayaana labada kulanba lagu
kala baxay iyadoo Candreva uu noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee
labada kulan ee kulankaan goolal ka dhaliya tan iyo 2011/2012.
Ac Milan ayaa dar-dar ku bilowday ciyaarta inkastoo weeraradii ay bilowgii sameysay ay ahaayeen kuwo aysan natiijo ka keenin.
HALIS! Inter
Milan ayaa daqiiqad waali ah gashay kadib markii Milan ay weerar culus
ku qaaday goolka Handanovic iyadoo Matias Fernandez uu ka faa’ideystay
qalad uu galay da’yaka Gagliardini.
Si fiican ayey u abuureen,
balse Deulofeu, Bacca iyo Fernandez ayaa ku fashilmay iney gool u
badalaan waxaana ka hor yimid daafac adag daqiqiadi 2-aad ee ciyaarta.
Joao Mario ayaa si qurux badan uga xariiftamay laba ka mid ah
ciyaartoyda Milan, ka hor inta uusan kubad lasoo galin xerada ganaaxa,
si fiican ayuu isugu dayay inuu ugu gudbiyo Icardi, balse De Sciglio
ayaana ka saaray daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.
HALIS! Suso
iyo Deulofeu ayaa daqiiqad dhib badan galiyay iyadoo Handanovic uu
muujiyay sida uu u yahay badbaadiyaha kooxda madama uu kubad meel dheer
laga soo toogtay ka badbaadiyay Sosa ka hor inta uusan Deulofeu birta ku
garaacin kubad uu diilinta ku jirayn daqiiqadii 15-aad.
GOAL! Daqiiqadii 36-aad – Antonio Candreva ayaa hogaanka u dhiibay Inter Milan kadib markii uu si wacan u dhameystiray kubad uu meel dheer ka caawiyay
Roberto Gagliardini, waana goolkiisii labaad ee uu ka dhaliyo Milan hal xili ciyaareed gudaheeda.
Candreva ayaa noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Inter Milan
ah kaas oo goolal ka dhaliyay Milan kulamada Derby de Milan hal xili
ciyaareed gudaheed tan iyo Diego Milito oo sidaas sameeyay 2011/2012.
GOAL! Daqiiqadii 44-aad – Mauro Icardi, Inter
Milan ayaa weerarkii labaad oo gaadmo ah gool ku heshay, waxaana si
fiican iskula jaan qaaday Icardi iyo Perisic, ugu dambeyntii Ivan ayaa
kubad mel fudud ka siiyay Icardi oo si fudud kubad shabaqa ugu shubay.
Qeybtii
hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda
Inter Milan, inkastoo Ac Milan ay aheyd kooxda mar walba gacan sareysay
hadana wiilasha Pioli ayaa waaya aragnimo hogaanka ku qabtay.
Inter
Milan ayaa lasoo baxday dar-dar culus qeybtii labaad waxeyna bilowgiiba
cadaadis saareen goolka Milan, Ivan Perisic ayaana qasaariyay fursadii
ugu fiicneed ee Inter markii uu kubad ka helay Icardi isagoo ku sugan
xerada, balse kubadii uu goolka aadiyay waa laga beeniyay.
HALIS! Deulofeu
garabka Milan ayaa sameyay isku day uu ku beegsaday goolka Inter,
markii uu kubad awood leh ka toogtay banaanka xerada ganaaxa, balse
Handanovic ayaana ka beeniyay.
GOAL! Daqiiqadii 83-aad Alessio Romagnoli
ayaa soo celiyay rajada Ac Milan daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta markii
uu si fiican uga faa’ideystay kubad uu dhinaca kasoo qaaday Suso.
Ac
Milan ayaa sameysay dadaal dheer oo ay ku doonayaan iney helaan goolka
barbaraha balse ugu dambeyntii wey heleen goolkii ay raadinayeen.
GOAL! Daqiiqadii 90+ Christian Zapata
ayaa dhaliyay goolka barbaraha ee kooxda Ac Milan daqiiqadii ugu
dambeysay iyadoo goolkaas lagu xaqiijiyay Goal Line Technology.
Natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay barabro 2-2 ah si la mid ah kulankii hore ee dhacay bishii November.
Waxba
iskama badalin dhanka kala sareynta labada kooxood walina Milan ayaa
2-dhibcood ka sareysa Inter Milan madama (Ac) ay leedahay 58-dhibcood,
halka Inter ay leedahay 56-dhibcood.