Sida ay kusoo waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska – Arsenal ayaa ku qanci doonta ugu yaraan 50 Malyan oo Pound in lagala wareego hadii weeraryahanka reer Chile uu diido inuu saxiixo heshiis cusub.
Gunners ma dooneyso iney sare u qaado qiimaha 28-jirkaan kaas oo 23-gool dhaliyay xagaagan sidoo kalana 12-gool caawiyay, waxeyna ku qasbanaan doonta iney iibiso xagaagan si uusan bilaash uga tagin 15-bilood kadib.
Mirror Football ayaa shaacisay bishii December in kooxda u sharaxan u dabaal dagidda horyaalka ee Chelsea ay dooneyso saxiixa xidigaan heerka caalami, waxaana la rajeynayaa hadda inuu dhici karo heshiiskaas balse waxaa la ogaan doonaa hadii uu cadeeyo inuusan dooneyn sii joogitaanka Emirates Stadium.
lexis Sanchez iyo wakiiladiisa waxey doonayaan in xidigaan uu helo mushaar ka badan midka uu hadda ka qaato kooxda oo dhan 130,000 kun oo Pound ugu yaraan waxey ku qanci doonaan 300,000 kun oo Pound.
Dhanka kale Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday isbuucii hore iney xagaaga la hadli doonaan Sanchez, balse kooxdiisa aysan u ogolaan doonin inuu ku biiro koox kale oo Premier League ah.
Inkastoo laga cabsi qabo inuu sameeyo wixii ay sameeyeen Robin van Persie (Manchester United), Gael Clichy, Samir Nasri (labadaba Man City) iyo Ashley Cole (Chelsea) kuwaas oo ku najaxay go’aanadooda ay ku doorteen kooxaha kale
0 comments:
Post a Comment