
Neymar Junior ayaa ahaa dhaliyaha goolka labaad ee Brazil kulankii ay 3-0 ku garaaceen Paraguay ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America, balse dabaal dagiisii goolkii la ansixin waayay wuxuu noqday mid hadda ka hor lagu ciqaabay ciyaariyahanka Paris Saint Germain Edinson Cavani.
Dabaal dagga toogashada ayuu Cavani ku muteystay kaarka jaalaha, waxaana la leeyahay garsoorahii kulankii Brazil iyo Paraguay wuu ilduufay waxaase suuragal ah in FIFA ay xidigaan xanibaad kusoo rogto taasoo saameyn ku yeelata kulamada kale ee u haray qarankiisa
0 comments:
Post a Comment