This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Real Madrid Oo balan Qaatay in Jwb Cad Siin doonto gerard pique kulunka El clasico, balse miyey shaciga la tiigsan doonta

Real Madrid ayaa go’aansatay iney hab maamuuska ugu fiican ugu jawaabto daafaca mixnadda ah ee Gerard Pique kaas oo hadalo ku xanuujiyay kooxda boqortooyada, mana jiri doonto iney sharciga la tiigsadaan xidiga Barcelona sida ay isku raaceen waaxda sharciyada ee kooxda.

Daafaca reer Catalonia wuxuu si xun u weeraray Madrid isagoo halqabsi ka dhiganaya qareenka dowladda ee Marta Silva Sapuerta ayuu sheegay in VIP-da Santiago ay soo fariistaan kuwa mixnadda ku ah kiisaska Messi iyo Neymar iyagoo iska indho tiray Cristiano Ronaldo, waxeyna aheyd arin aad u gilgishay gudaha Spain.

Miyey Madrid Sharciga La Tiigsaneysaa?

Maya! lama tiigsan doonaan, waaxda sharciga ayaa daraaseeyay hadalada Pique, balse waxey go’aansadeen ineysan qaadin wax talaabo ah oo dhanka sharciga ah isla markaana ay kooxda ka aamusto.

“Waxaan Ugu Jawaabi Doonaa Garoonka”

Si kastaba kooxda ayaa fariin cad u dirtay daafacii hore Manchester United waxeyna u sheegeen in 23-ka April ay ugu jawaabi doonaan garoonka Santiago.








Share:

0 comments:

Post a Comment