This is website talk sports & events I hope to like for website Please and please like and visit everday

Alaxis Sanches Oo ka nixiyey Taageerayaasha Arsenal isaga Si Toos u sheegay in Oo ku biirayo Koox ka dhisan Londan, waa Tee Kooxda?

Alexis Sanchez ayaa walwal cusub ku abuuray jamaahiirta kooxdiisa iyo maamulka sare ee Guuners kadib markii uu sheegay in uu ku faraxsan yahay ku noolaansha magaalada London oo uu ka ciyaari doono koox London ah oo leh maskax guulaysi. Sanchez ayaa cadeeyay in uu marka hore dhamaysan doono heshiiskiisa Arsenal balse uu doonayo in uu ka ciyaaaro koox London ka dhisan oo uu koobab kula guulaysan karo taas oo markiiba loo fahmay Chelsea oo si wayn u doonaysa.

 Sidii aanu warkii horeba idiinku soo gudbinay Antonio Conte ayaa bartilmaameedka kowaad ka dhiganaya saxiixa Alexis Sanchez wuxuuna kala hadlay masuuliyiinta sare ee kooxdiisa Blues balse haddalka Sanchez ayaa farxad wayn u ah Blues halka uu Arsenal ku yahay mid naxdin wayn iyo murugo ku abuuraya Emirates Stadium.

Arsenal ayaa Sanchez ku qiimaynaysa 50 milyan oo gini balse wargayska Daily Mail ayaa sheegay in Arsenal ayna doonayn in Sanchez haddii uu kooxdeeda ka baxo uu ka sii ciyaaro horyaalka Premier Leaque-ga taas oo haddii ay dhacdo fursad wayn siinaysa kooxaha PSG, Juventus iyo Bayern MuniSanchez oo ciyaaray daqiiqad kasta oo uu xulka qarankiisa Chile ka soo muuqday kulamadii isreeb reebka koobka aduunka sila markaana door wayn ku lahaa in Chile ay guul 3:1 ah ka gaadhay Venezuela ayaa waraysi uu siiyay El Grafico waxa uu ku cadeeyay waxa uu hamigiisu yahay kaas oo Arsenal ka yaabiyay.

Alexis Sanchez oo mustaqbalkiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan ku faraxsanahay London waxaanan rajaynayaa in aan dhamaysan doono heshiiskayga halkaas(Arsenal). Waxaan jecelahay in aan sii joogo isla magaalada iyo koox , laakiin koox guulaystayaal ah taas oo leh maskax guulaysi”.







Share:

0 comments:

Post a Comment